Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Weeraro Lagu Qaaday Somali ku Nool Magaalada Nazareth Dalka Ethiopia.



Fri 05 January 2018.

Waxaa sii kordhaya weerarada ay dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ku hayaan Soomaalida ku nool dalka Itoobiya, iyadoo weerarkii u dambeeyay uu xalay ka dhacay magaalada Nazareth.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Nazareth oo qiyaas ahaantii ilaa 100km u jirta caasimada dalkaasi Itoobiya ee Addis ababa ayaa xalay lagu weeraray guryaha ay degan yihiin.

Dad badan ayaa lagu soo waramayaa in guryahoodii ay ka carareen oo ay u baxsadeeen caasimadda Itoobiya, si ay uga badbaadaan beegsiga qowmiyadda Oromada ay ku hayaan dadkaasi, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah dadkii weerarkaasi la kulmay.

Dadka Oromada ah oo weerarada soo qaadaya ayaa la sheegay in ay ku hareereysan yihiin guryaha ay degan yihiin Soomaalida, dadku waxay la’yihiin qaab ay uga baxsadaan weeraradaasi.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa jiray xiisado u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada dalkaasi Itoobiya, iyadoo dhowr jeer mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegeen in xal laga gaari doono dhibaatooyinkaasi.



99 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines