Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mucaaradka Itoobiya Oo Shaki ka Muujiyay Fulinta Balanqaadkii Dowladda.



Thu 04 January 2018.

Mucaaradka Itoobiya ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii shalay ka soo yeeray Ra'iisul Wasaaraha Dalkaasi ee ahaa in la siidayn doono maxaabiista siyaasada u xiran.

Waxayna mucaaradka sheegayaan inay shaki ka qabaan qorshahaasi ay dowladdu sheegtay inay samaynayso.

Mucaaradka waxaa kaloo ay intaasi ku dareen in qorshahani uu wax yar uun ka yahay isbadalka siyaasadeed ee la doonayo in dalka laga sameeyo.

Dowladda waxay tilaabadani ku micnaysay inay tahay dib u heshiisiin qaran oo ay damacsan tahay inay ku dhaqaaqdo.

Befeqadu Hailu waa qoraa baraha internetka faalooyinka ku qora. Marar badan ayaa la xiray waxuuna sheegayaa in ciidanka ay jir dileen mudadii uu xirnaa.

Dowladdu waxaa kaloo ay sheegtay in la baabi'in doono xabsiga sida weyn looga dayriyay ee Maekalawi.

Maxaabiista ay dowladdu sheegtay in la cafin doono ayaa eedo kala duwan loo haystaa.

Kooxaha xuquuqul insaanka iyo mucaaradkuna shaki weyn ayay ka muujinayaa balanqaadkan ay dowladdu samaysay.

Mucaaradku waxay sidoo kale aaminsan yihiin in dowladdu ay arrinkan uga gudbayso xaalada dalka ka taagan.

Magaalooyin dhowr ah ayaa waxaa ka socda banaanbaxyo dowladda looga soo horjeedo. Gaar ahaan goboladda Amxaarada iyo Oromada



105 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines