Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Garyaqaanada Trump Oo Gal-dacwadeed ka Gudbiyay Wariye Buug ka Qoray Madaxwaynaha.



Thu 04 January 2018.

Garyaqaanada madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah buug laga qoray madaxweynaha oo aanan wali soo bixin, balse macluumaadkiisa loosoo dusiyay warbaahinta Maraykanka.

Buugga ayaa waxaa qoray wariyaha lagu magacaabo Michael Wolff, waxayna garyaqaanada doonayaan in gabi ahaanba la joojiyo in buugga la daaboco, islamarkaasna lasoo saaro.

Waxa ay sheegeen in buugga ay ku jirto af lagaado iyo meel ka dhacyo ka dhan ah madaxweyne Trump.

Waxa buugga lagu soo xiganayaa ninkii Trump u qaabilsanaa dajinta qorsheyaasha istaraatiijiga ah Steve Banon iyo illaa 200 qof kale.

Waxyaabaha buugga ku jira waxaa ka mid ah in Banon uu wiilka madaxweynaha ku sheegay in uu galay qiyaano qaran kadib kulankii uu la yeeshay mas'uuliyiin ka socota dalka Ruushka.

Waxa kale oo buugga ku jira in Trump uu aad ula yaabay guushii uu ka gaaray doorashada, kadibna uu ka xanaaqay xafladdii caleemo saarkiisa.



108 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines