Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wasiirka Qorshaynta Somaliya Oo Beeninay In Maamul Cusub loo Dhisayo Sool iyo Sanaag.



Thu 04 January 2018.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka warbixiyay oo todobaadkan safar shaqo ku tagey qeybo kamid ah Sool iyo Sanaag.

Isagoo ay la socdeen xubno katirsan labada Golle ee dowladda Puntland ayaa Wasiirka booqday deegaanno ay ka kamid yahiin Baran iyo Dhahar ee gobolka Sanaag, halkaasi kula kulmay dadka deegaanka.

Wasiirka ayaa beeniyay warar sheegaya in ujeedka socdaalkiisa uu la xiriiro sidii maamul cusub loogu sameyn lahaa gobollada Sool iyo Sanaag, kuwaasi oo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland.

Jamaal ayaa ku micneeyay safarkiisa gobollada Sool iyo Sanaag mid ku qotama u kuuragalista xaaladda ay ku nool yihiin dadka deegaanka, isagoo qiimeyn kusoo sameeyay amaanka iyo arrimo horumarka.



63 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines