Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Xukuumada Australia Oo Shaacisay Inay Dibada U Dhoofinayso Xashiishadda.



Thu 04 January 2018.

Xukuumadda Australia ayaa sheegtay inay doonayso inay noqoto dalka ugu horreeya dunida ee xagga dibad u dhoofinta xashiishadda la isku daweeyo.

Waddanku wuxuu doonayaa inuu wax ka beddelo xeerarkiisa oo uu ku biro dalalka Netherlands iyo Canada, si ay ugu iibgeeyaan xashiishadda suuqyo ka baxsan kuwa maxalliga ah.

Uruguay iyo Israa'iil ayaa qorshayal noocaas ah iyagana ku dhawaaqay.

Wasiirka caafimaadka, Greg Hunt, wuxuu sheegay in tallaabadaas ay sidoo kale caawinayso dadka xanuunsanaya.

Australia waxay sharciyeysay 2016 isticmaalka xashiishadda dawo ahaanta loo isticmaalo, waxaase mamnuuc ah in loo isticmaalo in lagu baashaalo.

"Hadafkeennu waa mid cad, waa in la siiyo beeraleyda iyo warshadaha Australia fursadda ugu wanaagsan ee ay ku noqon karaan dibad u dhoofiyeyaasha ugu horreeya dunida xashiishadda la isku daweeyo" ayuu yiri Mr Hunt.

Arrintan ayaa hirgali karta haddii la dhakhsado bisha Febraayo, ayadoo taageero laga helayo xisbiga shaqaalaha.

Hay'adda warbaahinta ee Australia waxay sheegtay in isbeddelada ay noqon doonaan kuwo saameeya badeecadaha ay ka midka yihiin saliidda, dareeraha la buufiyo, iyo kaniiniyada.

Mr Hunt wuxuu sheegay in isbeddelka uu yahay mid dhiirri galinaya wax soo saarka gudaha, ayna ka faa'iidayaan dadka xanuunsanaya iyo ganacsatada.



122 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines