Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Xildhibaan Xasan Karaama Oo Xukuumadii Hore Ee Siilaanyo Dusha U Saaray Masuuliyada Wareejinta Hawada.



Thu 04 January 2018.

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo ka mid ah Xildhibaanada Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay dhulka raasiga Dekadda Berbera, ee uu Madaxweynuhu joojiyey, waxaanu sheegay inuu soo dhaweeynayo in dhulkaas oo dad gaar ah Xukuumaddii hore siisay in la joojiyo, madaama uu sheegay inay Dekaddu leedahay, waxaanu ku taliyey in laga daba tago hantida qaranka ee umaddu wada leedahay ee iyana lagu bixiyey sifo sharci daro.

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane,ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Hawada ee Somaliya lagu wareejiyey inay keentay dayacaad iyo masuuliyad daro ka timid Xukuumaddii hore, waxa kale oo uu ka hadlay Wasiirka Qorsheynta Somaliya, oo uu sheegay in Gobolka Sanaag uu yimid, waxaanu ugu horeyn yidhi “Raasigu waa dhulkii Dekadda, in la joojiyana waan soo dhaweeynayaa, hantida umaddana wixii hadhay in la badbaadiyo, ayaan soo jeedinayaa, oo hantida qaranka ee umaddu leedahay ee aan sifo shaciya ku bixin in laga daba tago, sida raasiga looga daba tagay ayaan ku baaqi lahaa, Dhulka Raasiga oo ay Dekaddu leedahayna inay dad gaar ahi qaataan wax macquul ah maaha, markaas aad baanu u soo dhaweeynaynaa talabadda uu Madaxweynuhu ku joojiyey”.

Xildhibaan Hufane mar uu ka hadlaayey maamulka hawada ayaa yidhi “Xukuumaddii hore iyada ayaa wada hadalo la furtay Somaliya, marar badana wey ka hadashay in Somaliland iyo Somaliya ay Maamulka Hawada wada maamulayaan, in Maamulka Hawadeena Xamar loo wareejiyo waxa masuuliyadeeda iska leh Xukuumaddii hore, oo iyadu dayacday”

Xildhibaan Hufane mar uu ka hadlaayey Wasiirka Qorsheynta Somaliya oo dalka yimid, ayaa yidhi “Waxaynu ognahay in Wasiir ka mid ah Wasiiradda Xamar, gaar ahaan Wasiirka Qorsheynta inuu dalka joogo, gaar ahaan Gobolka Sanaag, ilaa haddana Xukuumaddu kamay hadal, waxaana leeyahay Xukuumaddu wey ku fashilantay, Xukuumaddani waxay ka dhalatay Xisbiga Kulmiye, ee haddii hore loo odhan jiray Xisbiga Waddani Xamar buu ku socdaa, maanta waa la arkayaa Wasiirka Somaliya ee dalka jooga, ee xuduudeenii soo galay iyo cida ku fashilan ee ilaa hadda ka hadli la’a”.



156 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines