Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Shil Tareen Oo Galaaftay Nolosha Dad Badan Oo ka Dhacay Koonfur Africa.



Thu 04 January 2018.

Tareen kuwa rakaabka qaada ah ayuu dab ku qabsaday dalka Koofur Afrika, ka dib markii ay isku dheceen gaari xamuulka qaada, halkaasoo ay ku dhinteen 12 qof, 180-nna ay ku dhaawacmeen, sida sarkaal laga soo xigtay.

Sawirro Fiidiyow ayaa muujinaya dab ka baxaya mid ka mid ah qaybaha tareenka, kaasoo gaari ku dul fariistay, waxaana agtiisa ka muuqda gaarigii xamuulka oo qalliban.

Rakaabkii la badbaadiyey ayaa waddada dhinaceeda isugu uruuray ayagoo alaabtooda wata.

Shilka ayaa ka dhacay meel u dhow Kroonstad oo ka tirsan gobolka Free State, ka dib markii gaariga xamuulka uu ku guul darraystay inuu ka istaago bar uu tareenku ka gudbo waddada, sida uu mid ka mid ah dadkii rakaabka ahaa u sheegay warbaahinta.

Ilaa 850 qof oo rakaab ah ayaa iyagoo bedqaba laga soo badbaadiyey tareenka, sida laga soo xigtay booliska.

Darawalkii gaariga ayaa isku dayey inuu cararo, laakinse booliska ayaa gacanta ku dhigay.

Rakaabkii saarnaa labada qaybood ee ugu horreya tareenka ayaa la soo sheegay in dhaawacyo ay soo gaareen.

Kooxaha dabka damiya ayaa halkaas tegey, waxayna dagaal la galeen dabka ka baxayey tareenka oo ka yimid magaalo-xeebeedka Port Elizabeth, kuna sii jeeday magaalada xarunta ganacsiga ah ee Johannesburg.

Waxaa aad looga cabsi qabaa in tirada dhimashadu ay kororto.



144 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines