Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dowlada Kenya Oo Xoojisay Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari.



Thu 04 January 2018.

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Booliska dalka Kenya la geliyay heegan buuxa kadib markii ay soo kordheen maalmihii la soo dhaafay weerarada lagu qaado gudaha dalka Kenya.

Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay degaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo degaankaasi.

Sarkaalka u hadlay Booliska Mandheera oo lagu magacaabo Daniel Bundotich, ayaa warbaahinta Kenya u sheegay iney doonayaan iney xakameeyaan weerarada kaga yimaada

“Ciidamo badan ayaan geynay degaanada ku xeeran degmada Mandheera si looga hortago falal lidi ku ah ammaanka oo ka yimaada Al-Shabaab”. Ayuu yiri Mr Daniel Bundotich.

Dagaalyahano looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa Talaadadii la soo dhaafay dilay Afar askari oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Kenya kuwaasoo ilaalo ka ahaa wadada Elwak-Kotulo ee degmada Mandheera.

Ciidamo Booliska iyo Militariga loo diyaariyay ka hortaga weerarada Al-Shabaab ayay Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ay sheegeen iney aad u hubeysan yihiin, kuwaas oo u dhameystiran qalabkooda Ciidan

Dhinaca kale waxaa ka socda keymaha Boni howlgalo ay ka wadaan ciidamada Kenya kuwaasoo ku baadigoobaya dagaalyahano ka tirsan Alshababa oo la sheegay inay halkaas ku sugan yihiin.



89 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines