Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Muran ka dhax Taagnaa Madaxwayne Trump iyo Bannon Oo Cirka Isku Shareeray.



Thu 04 January 2018.

Qareennada Donald Trump ayaa qoraal u diray ninkii u qaabilsanaan jiray istaraatijiyada, Steve Bannon, ayagoo sheegay inuu ku xadgudbay heshiis dhigayey inuusan sir bixin.

Wargelin ay u direen ayey ku eedeeyeen Mr Bannon inuu aflagaadeeyey madaxweynaha, ka dib markii uu la hadlay qoraaga Michael Wolff.

Buug uu soo wado Mr Wolff ayaa ka hadlaya in madaxweynuhu ahaa qof aan shaqada u diyaarsanayn.

Mr Trump ayaa arrinta ka jawaabay, isagoo sheegay in Mr Bannon uu yahay "nin waashay", ka dib markii uu waayey jagadiisii aqalka cad.

Qareennadiisa ayaa sheegay in Mr Bannon uu jabiyey heshiiskii shaqadiisa, oo uu qoraaga Wolff uga sheekeeyey Mr Trump iyo qoyskiisa, isagoo "daboolka ka qaaday akhbaar sir ah" oo uu ku hadlay "hadallo qadaf ah, mararka qaarkoodna uu hadallo meel ka dhac ku ah Mr Trump, qoyskiisa iyo shirkadiisaba uga warramay Mr Wolff" ayaa lagu yiri warqadda.

Buugga oo la yiraahdo Fire and Fury: Inside the Trump White House, waxaa ku qoran arrimo aad xaasaasi u ah sida:

Qoraagan 64 jirka ah wuxuu wax ku qori jiray majalladda New York Magazine iyo Vanity fair. Wuxuu kaloo qoray taariikh nololeedka ninka warbaahinta ka taajiray ee Rupert Murdoch.

Buugiisa waxaa la sheegay inuu ku salaysan yahay ilaa 200 oo waraysi.

Sida laga soo xigtay New York Magazine oo markii hore daabacay qaybo yar yar oo buugga laga soo qaatay, Wolff waxaa u suurto gashay in uu ka faa'iidaysto waayo aragnimo la'aanta siyaasadeed ee kooxda maamulka u qaabilsan Trump, si uu xog badan oo hoose u helo.



Views : 22



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines