Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Raysal Wasaare Khayre Oo Seddex Wasiir Xilalkii ay Hayeen ka Qaaday.



Thu 04 January 2018.

Warar xogogaal ah oo soo gaaray xaruunta HOL ayaa sheegaya in xilalka ay hayeen laga qaaday wasiirada arrimaha dibadda, Arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga

a) Yusuf Garaad Cumar – Wasiirkii arrimaha dibadda waxaa lag beddelay Danjire Axmed Ciise Cawad oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka

b) Cabdi Faarax Juxa - Wasiirka arrimaha gudaha. Waxaa lagu beddelay Injineer Cabdi Maxamed Sabriye oo ah ganacsade in mudda ah ku nool dalka Kenya.

c)Khadra Axmed Ducaale -Wasiiradda Ganacsiga. Waxaa lagu beddelay Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo horay u ahaa wasiirka warfaafina

Wasiirada Cusub ee la soo magacaabay: Inj.Cabdi Maxamed Sabriye, Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Maxmaed Cabdi Xayir (Maareeye)



104 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines