Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Gaas Oo Ciidamada Ammaanka ku Amray In la Furo Dhammaan Wadooyinka Xidhan Ee Magalada Gaalkacyo.(Sawiro)



Wed 03 January 2018.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas oo ay wehliyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Puntland saraakiisha Ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed ee Talis qeybeedyada 21aad iyo 54aad waxgarad iyo Ganacsato ayaa maanta ku guuleystay furitaanka wadooyin xirnaa oo ka mid ah kuwa suuqa weyn ee bartamaha magaalada gaalkacyo, kuwaasi oo ku xirmay colaadihii lasoo maray.

Ugu horeyn Taliye ku xiggeenka Ciidanka Booliiska Galmudug Korneyl Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb), ayaa sheegay in furitaanka wadooyinka suuqa ay qeyb ka tahay qorshaha nabad kuwada noolaashaha bulshadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda Gaalkacyo iyo guud ahaan gobalka mudug, isagoo sidoo kalana ka dhawaajiyay in ciidamadda amaanku ay gacan ku qaban doonaan cid kasta oo carqalad ah ku ah nabadda Magaaladaasi.

Guddoomiyeyaasha degmadda Gaalkacyo iyo kuwa gobalka Mudug ee labada maamul oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa ka codsaday shacabka iyo ganacsatadu in ay ku gacan siiyaan maamulka iyo ciidamada amaanka howsha adag ee lagu soo afjarayo colaadaha ragaadiyay bulshadda ku nool gobalka Mudug.

Taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka ee qeybaha 21aad iyo 54aaad Janaraal C/llaahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo Janaraal Siciid Maxamed Warsame (Siciid Dheere), ayaa iyaguna dhankooda uga mahadceliyay madaxda dowlad gobaleedyada kuwa maamulka gobalka mudug iyo shacabku sida ay ula shaqeeyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xasilinta gobalka, iyaggoo dhanka kalana sheegay in mar kasta ay diyaar u yihiin wax la qabashada maamulada iyo shacabka Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in aysan udulqaadan doonin cid kasta oo lid ku ah nabadda dalka gaar ahaan gobalka Mudug, waxaana madaxweyne gaas uu ugu baaqay ciidamada amaanka labada maamul iyo kuwa xoogga dalku in ay iska kaashadaan siddii gacan loogu dhigi lahaa fidnawadeyaasha nooc kasta oo ay yihiin.

Madaxweyne gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa ku amray ciidamada amaanku in ay furaan dhammaan wadooyinka xiran, isla markaana aysan cidna uga xishoon howlaha nabadeed ee ka socanaya Gobalka Mudug.

 



158 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines