Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ku Dhawaaqay In La Siidaynayo Maxaabiista U Xidhan Arimaha Siyaasada.



Wed 03 January 2018.

Ra'isulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay ka sheegay in xabsiga laga sii wada daynayo dhammaan dadka u xidh xidhan sababo siyaasadeed, islamarkaasna la xidhayo xabsiga weyn ee Maekelawi.

Waxa kale oo uu sheegay in dadka xukun sugayaasha ah iyaguna la cafiyay.

Itoobiya ayaa lagu eedeeyaa ku xad gudub xuquuqda aadanaha, iyada oo la xidhxidho dadka mucaaradka ah.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda qirato in ay xabsiyada ku heyso dad u xidhxidhan sababo siyaasadeed.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dadka siyaasadda u xidhxidhan, balse waxaa la ogyahay in kumanaan qof loo xidhay arimo siyaasadeed sanadkii 2015-kii.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii 19 qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin ururka Ginbot 7 lagu xukumay dacwado la xidhiidha argagixisonimo.

Ma cadda waxa uu ka dhashay go'aankan, balse wuxuu imanayaa kadib wadatashiyo uu lahaa xisbiga talada haya ee EPRDF.



176 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines