Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Gantaal Lagu Weeraray Gaadhi Marayay Deegaan ka Tirsan Gobolka Sh/hoose.



Tue 02 January 2018.

Wararka ka imanaya gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in duqeyn loo geystey gaari marayay deegaan ku dhow degmada Ow-Dheegle ee gobolka Sh/hoose.

Duqeyntan oo dhacday duhurnimadii maanta ayaa la sheegay in gantaal lagu dhuftay gaariga oo aan la sheegin noociisa kaasoo marayay deegaan lagu magacaabo Shan Garre oo  qiyaastii 3km u jirta Ow-Dheegle.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah gaariga ayaa waxaa saarnaa illaa lix ruux waxaana labo gantaal oo lagu ridey mid ka mid ah uu ku dhacay gaariga.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in dhammaan dadkii saarnaa gaariga ay ku dhinteen duqeynta.

Lama oga duqeyntan cidda ka dambeysay, hase yeeshee dowlada Maraykanka ayaa hore u sheegtay inay kordhinayso duqeynta ay ka geysanayo dalka Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay diyaaradaha aan la wadin ay ka geystaan dalka Soomaaliya sanadkan cusub ee 2018.



95 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines