Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Shiinaha Oo Shaaciyay Inuu Canshuurta ka Dhimayo Haragga Dameeraha.



Tue 02 January 2018.

Dowladda Shiinaha ayaa dhimaysa canshuurta lagu soo galiyo haragga dameeraha ee intiisa badan laga dhoofiyo qaaradda Afrika, kaas oo dadka dalkaas ay u isticmaalaan sababo la xiriira daawo dhaqameed.

Laga bilaabo maalintii isniinta, canshuurta oo markii hore ahayd boqolkiiba 5% ayaa loo dhimanayaa illaa boqolkiiba 2%.

Xabag iyo xaydh laga sameeyo haragga dameeraha ayaa ah badeeco aad qaali uga ah gudaha dalka Shiinaha, iyada oo iibsiga haragga uu aad sare ugu kacay guud ahaan dalkaas.

Dadka u ololeeya xuquuqda xayawaanka ayaa sheegay in dalabkan tirada badan ee Shiinaha uu horseeday in ay aad hoos ugu dhacdo tirada dameeraha ee Afrika.

Dameeraha ku nool Shiinaha ayaa kala bar is dhimay laga soo bilaabo sanadkii 1990-kii, waxayna taas kaliftay in Afrika loosoo doonto dameeraha.

Hilibka dameeraha ayaa sidoo kale qaali ka ah dalka Shiinaha.

Sanadkii waxaa la isticmaalaa illaa 1.8 milyan oo dameero ah, balse waxaa la sheegay in dalabka uu dhanyahay 10 milyan sida ay sheegtay hay'ad UK fadhigeedu yahay oo lagu magacaabo The Donkey Santuary.

Xeerta lagu magacaabo Ejiao oo laga dhaliyo marka biyo lagu karkariyo haragga dameeraha ayaa waxaa halkii kiilo la iibiyaa $388 doolar.

Dalal dhawr ah oo Afrikaan ah sida Uganda, Tanzania, Botswana, Niger, Burkina Faso iyo Mali ayaa mamnuucay dhoofinta dameeraha cabsi laga qabo in ay dabar go'aan.

Dalka Kenya waxaa ku yaalla saddex kawaan oo hilibka dameeraha oo kali ah lagu qalo, laakiin waxaa jira dalal badan oo arrintaas xayiraad saaray ama mamnuucayba in laga ganacsado, iyaga oo ku sababeeyay saamaynta uu dalabkooda badan ku yeeshay tiradii dameerihii dalalkooda.



156 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines