Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Trump Oo Twitterkii Ugu Horeeyay 2018 ku Cambaareeyay Pakistan.



Tue 02 January 2018.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay dawladda Pakistan in ay khayaanayso Maraykanka iyadoo balaayiin doolar oo gargaar ah la siinayo.

Twitterkiisii u horreeyay ee uu sannadkan cusub soo dhigo ayuu Pakistan ku eedeeyay in uu gabaad siinayo argagixisada.

Pakistan ayaa Twitterkaas si carro leh uga jawaabtay, waxayna sheegtay in dhamaan deeqda la siiyo si fiican loo maareeyo Trumpna uu “ka gubanayo jabka uu Maraykanku kala kulmay Afghanistan”.

“Maraykanku si doqonimo ah ayuu Pakistan u siiyay in kabadan 33 bilyan oo doolar oo deeq ah 15kii sano ee la soo dhaafay, wax aan been iyo khayaano ahaynna kama aanaan helin, iyaga oo u malaynaya in hogaamiyeyaashanadu ay doqomo yihiin,” ayuu Twitterka ku qoray Trump.

Wuxuu intaas ku sii daray “gabaad ayay siiyaan argagixisada aan Afghanistan ku ugaarsanayno, caawimaad yar ayaana ka helnaa” taasina ma sii jiri doonto!”

Maraykankan ayaa ka fiirsanaya in uu xanibo in kabadan 250 milyan oo doolar oo deeq ah oo Pakistan loo diri lahaa bisha Agoosto.

Tallaabadaas ayaa loo arkaa in ay dhalisay Pakistan oo u muuqda in uu ku guuldaraystay si wayn wax uga qabashada la dagaalanka argagixisada, sida uu ku warramay wargeyska Ney York Times.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan Khawaja Asif ayaa telefishinka Geo TV ee Pakistan u sheegay “Maraykanka waxaan horayba ugu wargalinay in aysan jirin wax dheeraad ah oon qabanayno, marka Trump “dheeraadkiisu” wax ahmiyad ah ma laha.



83 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines