Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Maxaabiis iyo Ciidamadii Ilaalinaysay Oo Tartan Kubbada Cagta ah Uga Furmay Muqdisho.



Mon 01 January 2018.

 

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan ayaa maanta tartan kubadda cagta ah u furay 12-koox oo ka kala tirsan Maxaabiista ku jirta

Xabsiga dhexe ee Xamar iyo ciidanka Asluubta oo ku hardami doona Tartankaasi.
Ujeedka Tartankan kubadda Cagta ee loo qabtay Maxaabiista Xabsiga dhexe iyo Ciidanka Asluubta ayaa wuxuu yahay mid lagu dhiirigelinayo maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe, isla markaana kor loogu qaadayo garaadkooda.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan oo ka hadlay furitaanka Tartanka kubadda Cagta ayaa kula dardaarmay dhallinyarada maxaabiista iney muujiyaan ciyaar wanaag, soona bandhigaan xirfad kubadeed.

Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay in dhallinyarada maxaabiista loo qabto tartan kubadda cagta ah, tallaabadaasina uu ku amaanay Taliyaha Ciidanka Asluubta.

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Degmada Xamar jajab Cali Cabdiqaadir Faarax ayaa sheegay in isbedel balaaran uu ka muuqdo dhallinyarada maxaabiista ah ee ku jirta Xabsiga dhexe, taasi oo sabab u ah tartanka cayaaraha loo qabanayo dhallinyarada maxaabiista oo is daba joog ah.

Kulan Ciyaareedkaan Kubadda cagta ah ayaa maanta lagu daah-furay labo koox oo ku kala ciyaareysa magacyada B-Muundo oo ah dhalinyarada maxaabiista iyo koox ka socota Ciidanka Asluubta.



Views : 24



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines