Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Saraakiil Ka Tirsan Shabaab Oo Isku soo Dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed.



Mon 01 January 2018.

Laba ka tirsanaa Saraakiisha Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay isku soo dhiibey Maamulka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay,kadib markii ay la soo xiriireen masuuliyiinta Maamulkaas.

Labadaan Sarkaal ayaa Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Buurhakaba waxaa ay saxafadda u sheegen in lagu kala Magacaabo Cusmaan Cabdi Xasan iyo Cali Uunsow Maxamed,kuwaas oo ka yimid degaano ka mid ah Gobolka Baay.

Maanta ayaa la sheegay in ay isku dhiibeen Maamulka degmada Buur Hakaba iyadoona Maamulka Degmada ay soo dhaweyn weyn ay usameeyeen,iyaga oo sitay laba qoray oo AK47 ah.

Maamulka degmada Buurhakaba ayaa horay waxaa ay u sheegeen in ay wada hadal kula jiraan Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab si ay ugu soo biiraan.



68 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines