Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wafdi Baladxaawo U Tagay Muranka ka Taagan Soohdinta Kenya iyo Somaliya.



Mon 01 January 2018.

Wafdigan oo uu horkacayay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa), islamarkaana uu qeyb ka ahaa madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamanka dalka, wasiirro ka tirsan Jubbaland iyo agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha iyo masuuliyiin kale.

Madaxdan oo ka ambabaxay magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho ayaa ka dagay degmada Doolow, ayagoo usii gudbay dhanka degmada Baladxaawo, halkaa oo ay maalmihii u danbeeyay ka taagnaayeen xiisado ka dhashay kadib markii dadka deegaanka ay ka mudaaharaadeed xad gudub ay sheegeen in Kenya ay ku sameeysay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliy ee dhanka degmadaasi.

Masuuliyintan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameeyn doonaan muranka ka taagan soohdinta.

Wasiir arimaha gudaha dalka ayaa sheegay in ay Baladxaawo u yimaadeen in ay baaritaan ku sameeyaan xad gudbka la sheegay in Kenya ku sameeysay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa mudooyinkii u danbeeyay xeydaab ka dhiseeysay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana cabirka xeydaabka uu soo galay sida ay sheegeen dadka degmada Baladxaawo soohdinta dhanka Soomaaliya, gaar ahaan dhismayaashii hore ee dowliga ahaa ee ku yaallay Baladxaawo.



133 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines