Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Qalab Casri ah Oo Badda Gunteeda kasoo Saaray Burburka Maraakiibta Oo Lagu Wareejiyay Dowlada Somaliya.(Sawiro)



Mon 01 January 2018.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kala wareegay qalab casri ah oo ka soo saaraya badda gunteeda Maraakiibt ku burburta Biyaha Badda iyo qashinka ku dhex jira shirkadda Albeyrak ee dalka Turkiga.

Qalabkan cusub oo ay keentay shirkadda Albeyrak ee ka howlgasha Dekadda Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa goobta lagu wareejinayay dowlada Soomaaliya Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac,mareeyaha Dekadda ee shirkadda Albeyrak Sami Erol,Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in maanta ay la soo wareegaan qalabka caro saarka iyo qashin saarka Dekadda Muqdisho,taasoo suurta gal ka dhiganeysa in Maraakiib fara badan oo xamuulkooda culus yahay ay ku soo xirtaan Dekadda.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac,ayaa tilmaantay in hadda ay gacanta ku hayaan nidaamkii lagu maamuli lahaa maaliyadda iyo qaabkii loo jiheyn lahaa Maraakiibta Dekadda ku soo xirata.

Qalabkaan ayaa ah mid muhiim ah gaar ah uleh Dekadda Muqdisho,taasi oo Maraakiibta Xamuulka ah ay ku soo xiran karaan,islamarkaana dakhli xoogan ka soo xaroon doonaan sida ay mas’uuliyiinta Dowladda sheegeen.

Ugu danbeyn, waxaa halkaasi ka hadlay Mareeyaha Dekadda ee Shirkadda Albeyrak Sami Erol ayaa sheegay iney bilaabi doonaan nidaamka caro saarka ee Dekadda.

Qalabkaan casriga ah ee maanta la daah furay ayaa loo diyaariyay shaqaalo loo tababaray bixinta Maraakiibtii ku bur burtay dhowr iyo labaatan sano ka hor biyaha Badda Soomaaliya.



Views : 29



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines