Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Golaha Aqalka Sare Oo U Yeedhay Wasiirada Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyaha CXD.



Sun 31 December 2017.

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee dalka, ayaa maanta kulankoodii ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen weerarkii shalay ciidamo la sheegay inay tababaraan Imaaraadka Carabta ay ku galeen hoyga C/qaybdiid.

Xubnaha Aqalka Sare ee dalka ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi ay ku kaceen ciidamada, waxaana ay sheegeen in arintaan ay u baaha tahay isla xisaabtan dhab ah.

Waxa ay u yeereen Wasiirada Amniga, Gaashaandhiga Xukuumada Soomaliya iyo Taliyaha Ciidamada xooga Dalka si arinta waxa looga weydiiyo.

Golaha Aqalka Sare Xildhibaanadooda, ayaa sheegay arintaan in wax laga waydiin doono Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka iyo Wasiirka amniga Somaliya.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa aragti mideysan oo cambaareyn ah ka jeediyay falkaasi shalay dhacay, waxayna sheegeen muhiim inay tahay in la qaato masuuliyadda falka dhacay.

Ciidamo gaaraya 42 askari ayaa u xiran weerarkii shalay lagu qaaday hoyga C/qaybdiid ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Madaxweynaha Somaliya uu amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo falkaasi.

Somaliya ayaa xilligan waxaa ka jirta jawi siyaasadeed oo qasan, waxaana arinta C/qaybdiid oo noqotay dhacdo cusub ay sii xumaysay xaaladda siyaasaddeed ee kacsan.

Dhamaadka sanadkan 2017-ka ayaa waxaa dalka ka dhacay dhacdooyin siyaasadeed oo weli hadal haynteeda dalka ay ka taagan tahay.



146 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines