Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

War Deg-deg ah Boorama: Dad ku Dhaawacmay Mudaharaad Lagu Soo Xidhayay Fanaanka Nimcaan Hilaac.



Sat 16 December 2017.

3 qof oo ay midi tahay gabadh rayid ah iyo 2 askari oo kale ayaa ku dhaawacmay mudaharaad galinkii dambe ee manta ka dhacay Magaalada Boorama, waxana ay wararku sheegayaan in mudaharaadkan oo ka dhashay markii ciidamada Boolisku ay isku dayeen inay gurigiisa ka soo xidhaan fanaanka Nimcaan Hilaac.

Dad u badan dumar iyo caruur oo ku nool xaafadaas xaaslayda ee uu fanaankan dagan yahay ayaa ciidamada kala hor yimid dhagax iyo shiid, tan badalkeedana waxa ay ciidanku isticmaaleen xabad sababtay dhaawaca hal qof oo haween ah.

Ma jiraan warar intan ka faahfaahsan oo arintan laga helayo, marka laga reebo in ciidanku ay soo xidheen Fanaanka Nimcaan Hilaac Aabihii, iyo dad aan la xaqiijin tiradooda oo lagu xidhxidhay mudaharaadka

 

Dhaawaca ayaa lagu dawaynayaa cisbitaalka Boorama, ilaa hadana lama xaqiijinayo meel uu ku sugan yahay fanaanku.

Si kastaba ha ahaatee, Waxa ay wararka laga ag helayo saraakiisha amnigu sheegayaan in amarka lagu xidhayay Fanaankan uu yahay mid ka yimid dhinaca magaalada Hargaysa



276 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines