Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Guddoomyaha Baarlamaanka Somaliya Jawaari Oo soo Xidhey Kalfadhiga 2aad.



Sat 16 December 2017.

Kulan maanta ay yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka  oo uu  shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari, Mudanayaasha Kulankaan Soo xaadiray ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa 173 Xildhibaan.

Ajendaha Kulanka maanta ayaa waxaa ka mid ahaa qoddobada kala ah;
1. Soo bandhigidda Warbixinta Guddiga Dastuurka ee BFS
2. Warbixinta Guud ee Howlqabadka Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka
3. Hadaljeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka u abbaaran Hakinta Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka

Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay Ajendayaasha kulankii maanta, iyadoo kulanka warbixin ay ka jeediyeen Guddiga Dastuurka oo ka hadlay halka uu marayo Arrimaha Dastuurka.

intaas kadib ayaa waxaa mudanayaasha Golaha Shacabka loo qeybiyay Warbixinnadii iyo waxyaabihii u qabsoomay inta lagu guda jiray kalfadhiga 2-aad ee golaha Shacabka,

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa galay fasax 2 bil ah iyagoo dib u soo laaban doona bisha Maarso sanadka cusub.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadal jeedin ka hor sameeyay Xildhibanada hortooda asagoo uga mahad celiayay Sahqadii ay soo qabteen sidoo kalena ku booriyay in la dar dargaliyo Howlaha kale ee horyaalla



96 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines