Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Diyaarad Ay Ciidanka Maraykanku Leeyihiin Oo ku Dhacday Iskuul ku yaalla Okinawa Ee Dalka Japan.



Wed 13 December 2017.

Qayb ka mid ah diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo uu Maraykanku leeyahay ayaa ku burburtay iskuul ku yaalla deegaanka Okinawa ee dalka Japan, arrintaas ayaana soo cusboonaysiinaysa xiisaddii dadka deegaanka.

Daaqadda diyaaradda ayaa ku soo dhacday barxadda iskuulka wuxuuna dhaawac sahlan ka soo gaaray hal wiil, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Kyodo.

Koonfurta jasiiradda Okinawa ayaa martigalisa saldhiga milatari ee ugu wayn ee uu Maraykanku ku leeyahay Japan.

Sannadihii u dambeeyayna tiro shilal iyo falal dambiyeedyo isugu jira ayaa horseeday in ay si isa soo taraysa dadka deegaanku uga soo horjeedsadaan saldhigga uu Maraykanku ku leeyahay deegaankaas.

Sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee Reuters, xoghayaha guud ee golaha wasiirrada Japan Yoshihide Suga ayaa sheegay in "shilkan oo kale uusan ka argagixinin dadka ku lugta lahaa oo kali ah ee uu sidoo kale saamaynayo dadka degan Okinawa ayna tahay in laga baaqsado".

Milatariga Maraykanka ayaa arrintan ku xaqiijiyay war qoraal ah oo uu soo saaray, wuxuuna sheegay in daaqad ka go'day diyaarad ay leeyihiin ay ku dhacday goob lagu ciyaaro oo uu leeyahay dugsi hoose oo ku yaall meel ka baxsan saldhig ay ciidammada Maraykanku leeyihiin.

Joogitaanka ciidammada Maraykanka ee Okinawa ayaa qayb muhiim ah ka ah iskaashiga ammaanka ee ay labada dal yeesheen wixii ka dambeeyay markii ay dagaalameen.

Saldhigga Futenma ayaana ku yaalla goob ay dadku dagan yihiin oo leh iskuullo, dukaammo iyo isbitaallo.

Bishii Oktoobar-na diyaarad kale oo kuwa qumaatiga u kaca ah oo uu Maraykanku leeyahay ayaa dhacday ka dibna dab ku qabsaday waqooyiga Okinawa.

Bishii Nofembarna askari Maraykan ah ayaa shil xun ku galay jasiiraddaas, ka dib markii dhacdadaas lala xiriiriyay in isaga oo cabsan uu gaari waday, Maraykanka ayaana intaas ka dib dhammaan ciidammada Japan ka jooga ka mamnuucay cabidda khamrida.



124 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines