Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Farmaajo Oo Diiday Inuu la Kulmo Ra’iisul Wasaaraha Israel & Ururka Xamas Oo ku Amaanay.



Tue 05 December 2017.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”Ayaa  wuxuu diiday inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu intii uu ku guda jiray booqasho uu Kenya ku tagtay.

Farmaajo wuxuu joogaay Kenya si uu uga qayb galo shirarka  uga socday madaxweynayaasha Afrika Magaladda Nairobi. , waxaan uu xiligaas ku sugna Dalka Kenya.

Hamas ayaa amaanay kula dul dhacdey hoggaanka sare ee Dalka Soomaaliya kadib markii uu diiday inuu la kulmo dhigiisa dalka Israel.

Xassan Abu Marzouq, oo ah xubin ka mid ah hogaamiyayaasha Uruurka Xamas, ayaa yiri: “Tusaale ha wanaagsan ee hoggaamiyayaashan oo kale , Camaladooda wanaagsan waxaay leeyihiin qiimo iyo macno gaar ah, dalalkooduna waxaay Mudaan yihiin ixtiraam iyo qadarin, dadkuna waxaay leeyihiin sharaf iyo cisiig.”

Hamas ‘Izzat Al-Rishq ayaa sidoo kale uga mahad celiyay madaxweynaha Soomaaliya Waxaan uu yiri “Ficilkan wuxuu ka tarjumayaa xaqiiqda dhabta ah ee walaaltinimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay la wadaagto Falastiin iyo diidmada kasta oo loo mujiyo waxaay caadiyan mujineysaa in aysan raali ka hayn ku xadgudubka dhulka iyo masjiidka barakeysan ee quduuska.”



Views : 35



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines