Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Badhasaabka Awdal iyo Maayerka Borama Oo ku Heshiiyay kala Iibsiga Hantidii Dawlada Wakhtiga kala Guurka ah.



Tue 05 December 2017.

Musuq –maasuq xoogan ayaa dul hoganaya Xafiiska looga arimiyo D/Hoose ee Boorama, waxana jira warar ay hadal hayntoodu isa soo tarayso oo sheegaya in Mayarka Degmada Borama Md Maxamed Xuseen Maydhane uu baabuurkii labaad ee uu leeyahay Gobolka Awdal si aan sharciga waafaqsanayn u iibsaday waqti ay gabahaanba hanaankii dawladu u shaqaynaysay uu kujiro xaalad kala guur ah.

Wararka ayaa sheegaya in baabuurkan oo uu soo celiyay badhasaabkiii hore ee gobolka Awdal ee Mustafe Shiine uu si hoose u iibsaday Maayar Maydhane isaga oo siistay lacag dhan 13000 oo Doolaar. Oo aan haba yaraatee la marin hanaankii wax kala iibsiga ee u dajisnaa nidaamka dawladeed, mana cada ilaa hada in lacagtaasi uu maayerka Borama ku iibsaday gaadhigani ay tahay tii dawlada hoose ee Borama iyo in isla markaana ay ku dhacday qasnada dawlada iyo in kale.

Tuhunka ku xeeran baabuurkan la leeyahay waxa loo iibsaday sifo sharciga baal marsan ayaa waxa uu sii xoogaysaytay kadib markii baabuurkii hore ee Maayarka Boorama uu wadan jiray lagu wareejiyay Xogyaha D/Hoose maalmahan dambe, lana arkay maayar Maydhane oo ku tamashlanaya Baabuur uu lahaa gobolka Awdal oo maalmahan dambe u muuqda mid ku biiray Hantida D/Hoose ee Boorama.

Dhanaca kale waxa ay su’aal xoogan oo si wan la isku waydiinayaa ka dhalatay waxa ha noqoto kala iibsi, ama la-kala-wareege baabuurkan arintiisa ku soo beegay waqti kala-guur ah oo ay xukuumadii dhexe shaqadeedii hakan ku jirto.

Arintan ayaana dadka qaar u macnaysanayaan in labada masuul ba ay wadaagaan kalsooni la’aanta xukuumada Cusub ee dhalan doonta ay ka qabaan,halka dad badani ay farta ku godayaan Mayar Maydhane kuwaas oo ku tuhunsanaayeen inuu si hoose ugu ololeeyay Xisbiga Wadani Taasina lagu rumaysan karo cododka liitay ee xisbiga Kulmiye ka Helay deegaanka uu kasoo jeedo, isla markaana ay arintaasi ku dhalisay inay isleeyihiin ka faaiidaysta manta, waxa suura gal ah in aad bari xilka ka tagtaane.



Views : 36



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines