Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Ruushka Oo ku Dhawaaqay Inuu Warbaahin Maraykan U Qoonsaday Basaasiin ku Sugan Dalkiisa.



Tue 05 December 2017.

Ruushka ayaa ku dhawaaqay in ay basaasiin ajnabi ah yihiin sagaal warbaahin oo Maraykanka laga leeyahay, kuwaas oo ay ku jiraan VOA iyo Radio Liberty.

Sharci cusub oo suuragal ka dhigaya in warbaahinta ajaaniibta lagu sheegi karo in ay basaasiin ajaaniib ah yihiin ayaa baarlamaanka Ruushka si degdeg ah loogu gudbiyay bishii hore, sidaasna ku meelmariyay.

Taas waxay ka dhigan tahay in warbaahintu ay sheegaaan meesha uu dhaqaaluhu ka soo galo.

Arrintan ayaa aargudasho u ah waaxda cadaaladda ee Maraykanka oo amartay in telefeshinka RT iyo Sputnik ay isu diiwaan galiyaan basaasiin ajaaniib ah.

Sirdoonka Maraykanka ayaa RT ku eedeeyay in uu ku luglahaa ol'olihii uu Ruushku ku farogalinayay doorashadii Maraykanka ka dhacday sannadkii hore.

Sharcigan wuxuu dhigayaa in sagaalka shirkaddood ee waaxda caddaaladdu diiwaangalisay in ay hawsha ay hayaan ku suntaan "basaasiin ajnabi ah" ayna soo bandhigaan meelaha ay dhaqaalaha ka helaan.

Hadda waxaa jira sharci noocaas oo kale ah oo diiradda saaraya hay'addaha samafalka iyo ururrada bulashada rayidka ah.

VOA iyo Radio Free Europe/Radio Liberty waxaa maalgaliya dawladda Maraykanka, toddobo warbaahin oo kale oo hoos taga labadaas ayaa iyagana sidoo kale laga rabaa in ay isku suntaan in ay yihiin basaasiin ajnabi ah.

Aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka ee Duma ayaa bidhaamiyay in uu qorshaynayo in qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka loo diido in ay gudaha u galaan dhismaha baarlamaanka.

Sagaalka warbaahin waxaa ka mid ah baro internet, idaacad iyo telefishinno ay gacanta ku hayaan labadaas warbaahin ee uu Maraykanku maalgaliyo kuwaas oo ay diiradda ku saaraan Waqooyiga Caucasus iyo Crimea.



Views : 27



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines