Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Maxkamada ciidamada Qalabka sida Oo Xukunno Isugu jira Dil iyo Xabsi ku Riday.



Tue 05 December 2017.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka oo Talaado ah xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku ridday afar nin oo eedeynayaal ah, kuwaasoo Maxkamadda ku soo eedeysay inay Shabaab u qaabilsanaayeen qaraxyada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu ridday raggan, isagoo sheegay in lagu helay dhamaan dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Raggan oo dhowr jeer Maxkamadda la hor-keenay ayaa la dhageystay dacwada loo heystay, waxaana qaarkood la sheegay inay mas’uul ka ahaayeen qaraxyada loo adeegsado baabuurta ee lala beegsado Maqaayadaha Muqdisho.

Hadaba afarta nin ee la xukumay ayaa waxay kala yihiin:-

1- C/qaadir Abukar Shaacir waxaa lagu xukumay dil toogasho ah

2- Maxamed Cumar Akiile waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in

3- Daa’uud Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah

4- C/laahi Ibraahim Geesey waxaa lagu xukumay Labo Sano oo Xabsi ciidan ah

Maxkamadda ayaa sheegtay in cid walba oo aan ku qanacsaneyn xukunkan ay u furan tahay inay racfaan ka qaadato.



Views : 19



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.