Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Isku Aadka Tartanka Ciyaaraha Maamul Goboleedyada Somaliya Oo la Sameeyay.



Tue 05 December 2017.

Waxaa maanta lagu sameeyay magaalada Muqdisho isku aadka Tartanka Ciyaaraha Maamul goboleedyada oo sanadkii labaad la qabanayo.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Tartankan, iyadoo dib u dejin u sameysay Ciyaartoyda ka yimid maamul goboleedyada.

Ciyaartoyda Maamul goboleedyada ka socda ayaa soo wada gaaray magaalada Muqdisho, waxaana la dejiyo qaar ka mid ah Hotelada.

Tartanka ayaa waxaa heysta oo difaacanaya xulka kubadda Cagta Puntland oo sanadkii hore qaaday tartankan.

Hadaba waxaa ay xulalka ciyaartoyda maamul goboleedyada isugu aadeen sidan:-

Group A, Banaadir, Galmudug, Jubbaland

Group B, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed.

Ciyaarta ugu horeysay ee furitaanka Tartanka ayaa dhici doona maalinta Jimcaha, waxaana lagu furi doonaa Banaadir iyo Jubbaland.



Views : 23



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines