Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Dagaal Culus Oo Maanta Dhexmaray Ciidanka Dowlada iyo Al shabaab Oo ka Dhacay Degmada Qoryooley.



Mon 04 December 2017.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Somaliya oo garab ka helayey kuwa Amisom iyo Al-Shabaab oo dhinac ah ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay duleedka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ciidankaan ku lahaayeen deegaanka Mashalaay oo duleedka ka ah degmada Qoryooley.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay Saddex qof oo mid ka mid ah yahay shacab, Iyadoo khasaarahana intaasi ka badan karo.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa sheegay in khasaare xooggan ay soo gaarsiiyeen dagaalyahannada Al-shabaab, balse dhanka Al-shabaab war lagama haayo.

Xaaladda deegaankii lagu dagaallamay saakay waa mid deggan, iyadoo shacabkii halkaasi ku dhaqnaa ay soo wada aadeen dhanka Degmada Qoryooley.

Al-Shabaab ayaa marar badan weerar ku qaaday ciidanka dowladda iyo kuwa Amisom ee ku sugan deegaanno ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines