Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Meydka Qof Shacab ah Oo Maanta Laga Helay Suuqa Magaalada Gaalkacyo.



Mon 04 December 2017.

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug waxaa saakay meydka qof shacab ah lagu arkay Suuqa magaalada Gaalkacyo oo ay dhawaan ku dagaalamayn maleeshiyo ka soo kala jeedo Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta in qofka la dilay uu ahaa qof xamaali ka ah Suuqa Gaalkacyo waxaana lagu dilay meel u dhaw halkii ay dhawaan ku dagaalameyn Labada dhinac.

Majiraan wax war ah oo kasoo baxay sarakiisha Amaanka Maamulada Galmudug iyo Puntland ee Gaalkacyo ayadoo dilka dhacay ay si weyn u hadal hayaan Shacabka.

Gaalkacyo ayaa wali wajaheyso dagaal iyo dilal qorsheysan oo aan wali xal laga gaarin.

Dhawaan ayey aheyd markii Maamulkada Magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug ay dib u fureen Suuqa ugu weyn Magaalada kadib markii uu u xirmay Dagaal ku dhaxmaray labo maleeshiyo oo labada Maamul kasoo kala jeedo



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.