Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Shahaadooyinkii Aqoonsiga Guddoonsiiyay 8 Xisbi Oo Madaxbanaan.(Sawiro)



Sun 03 December 2017.

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu siiyay shahaadooyinka aqoonsiga 8 xisbi kadib markii Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka uu diiwaangeliyay.

Xisbiyadan la siiyey Shahaadooyinkan ayaa la sheegay inay soo buuxiyeen shuruudihii loogaga baahnaa in loo aqoonsado xisbi siyaasadeed.

Munaasabaddan waxaa ka qeybgalaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Qadar, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Diiwaangelinta xisbiyada madaxa banaan ayaa imanaysa 48 sano kadib waxaana lagu wadaa in doorashooyin xisbiyo ay ka dhacdo dalka Soomaaliya sanadka 2020.



Views : 30



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines