Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Oo Mar kale Weerar Afka ah ku Qaaday Xildhibaanada Mooshinka ka Wada Xukumada Farmaajo.



Sun 03 December 2017.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mida Guddiyo dhowr ah oo horay dowladda u magacawday ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo xusay inay jiraan Xildhibaano laaluush ku qaatay inay khal khal geliyaan amniga iyo horumarka ka jira dalka.

Isagoo xalay ka hadlayay Munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Xukuumadda oo uu ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo hadal qaaday warar sheegaya mooshin laga wado Madaxda dowladda

“Dadka la leeyahay mooshin bey wadaan, dadkaas dareen ma leeyihiin, Soomaali ma yihiin, waxaa si dhib yar loo leeyahay meel hebel ayay lacag ka soo qaateen, wey soo socdaan, mooshin bey sameynayaa, 4 nin iyo shan nin miyaa nolol noo diidan ma intaasaa iska dhici karin, inta aan u tagno maan garaacno”ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Sheekh Nuur Baaruud oo sii hadlayay ayaa yiri “Baarlamaanka waxaa la yiraahdaa waa wakiiladii shacabka, ma inaggaa raalli uga nahay inay lugaha na hayaan, ayaantii dhoweyd, markii aan School Polizio ka hadlayay waxay dhaheen dhiiggeena ayaa xalaaleysay, aniga hala laayo ma dhihin, ee waxaa dhahay hala garaaco, hada waxaa leeyahay halaga matajiyo lacagta laaluushka ay nabadgelyada qalqal ku gelinayaan.

Waxaa uu sheegay in la bartay marka mooshin la keeni in lacago lagu kala fur furo, waxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha in aanay shilin lacag ku bixin, isla markaana difaaca mooshinka ay ku filan yihiin shacabka.

“Marka Mooshin la keeno horumarka ayaa istaagi, amniga ayaa qal qal geli, wixii socday oo dhan ayaa istaagaya, waxaa la yaabaa in lacag lagu kala fur furo mooshinkii la keeno, Madaxweyne Farmaajo waxaa leeyahay mooshin hal shilin haku bixina, Mooshinka shacabka ayaa ku filan oo idinka difaacaya”ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud

Hadalka ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ay soo baxday hadal heyn ku aadan inuu socdo mooshin laga wado Madaxweyne Farmaajo, kaasoo si hoose u socda saxiixiisa,



Views : 28



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines