Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Ammaanka Oo Maanta Muqdisho ku Qabtay Nin Xidhnaa Dharka Dumarka.



Sun 03 December 2017.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin soo xirtay dharka dumarka, kaasoo falal amni dari ka geysan rabay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow oo xalay ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Xukuumadda ayaa sheegay in Ciidamada Amniga gacanta ku dhigeen nin soo xirtay dharka dumarka.

“Xalay Ciidamada Ammaanka waxay gacanta ku dhigeen nin soo xirtay dharka dumarka, indha shareer iyo xijaab, falal amni dari ayuu damacsanaa inuu sameeyo”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in tan iyo qaraxii dadka badan ku dhinteen ee dhacay 14-kii bishii October ay isa soo dhiibeen 54 dagaalamayaal ka tirsan Shabaab.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in lixdameeyo ka tirsan Al-Shabaab lagu soo qabtay howl gallo la sameeyay, isla markaana hey’adaha ammaanka ay gacanta ku hayaan.

Munaasabaddii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo loogu magac daray Soomaalida cusub ayaa waxaa lagu soo bandhigay Waxqabadka Xukuumadda, waxaana wasiir walba uu ka warbixinayay wixii u qabsoomay.



Views : 28



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.