Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Imaaraadka Carabta Oo Maanta Musaafuriyey Ra'iisul Wasaarihii Hore Ee Dalka Masar.



Sun 03 December 2017.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Masar, Axmed Shafiq, ayaa laga musaafuriyey Iimaaraadka carabta sida ay wararku sheegayaan, maalmo ka dib markii uu sheegay inuu doonayo inuu u tartamo doorashada madaxweynenimada ee 2018.

Ilo ku dhow qoyska Mr Shafiq ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in lagu xiray gurigiisa, ka dibna dayaarad loogu qaaday magaalada Qaahira.

Mr Shafiq wuxuu u cararay dalkaas gacanka ku yaalla ka dib markii uu ku guul darraystay tartan doorasho madaxweynenimo oo uu ku guulaystay Maxamed Morsi 2012.

Madaxweynaha iminka talada haya, Cabdulfataax al Sisi, ayaa la rumaysan yahay inuu doonayo inuu mar kale xafiiska qabto, laakinse weli lama xaqiijin.

Weli ma cadda sababta Mr Shafiq looga musaafuriyey Iimaaraadka.

Khamiistii ayey Iimaaraadka carabtu beeniyeen in ay ka hor istaagen Mr Shafiq inuu u safro Qaahira.

Ra'iisul wasaarihii hore ayaa ka soo muuqday TV-ga Al Jazeera, isagoo sheegaya in laga hor joogsaday inuu safro.

Mid ka mid dadka gacan yareyaasha u ah ayaa sheegtay inay aragtay askar timid gurigiisa ku yaalla Abudhabi.

"Guriga ayey ka kaxeeyeen, ka dibna waxay saareen dayaarad gaar ah. Waxay sheegeen inuu Qaahira ku laabanayo, sababtoo ah dalkiisa oo qura ayey u musaafurin karaan" ayey u sheegtay wakaaladda AFP.

Mr Shafiq waxaa ra'iisul wasaare loo magacaabay maalmihii ugu dambeeyey ee xukunkii Xusni Mubaarak 2011, wuxuuna xilkaas sii hayey seddex todobaad ka dib markii uu dhamaaday kacdoonkii Masar, markaasoo lagu khasbay inuu xukunka ka dego isagoo lala xiriirinayo inay isku dhow yihiin madaxweynihii hore.

Tan iyo 2012, markii la xiray Maxamed Morsi, wuxuu ku noolaa Iimaaraadka carabta.

Mr Shafiq oo ahaan jiray duuliye kaxeeya dayaaradaha dagaalka ayaa noqday taliyaha ciidanka cirka muddadii u dhaxaysay 1996 - 2002.



Views : 27



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.