Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Galmudug iyo Ahlusuna Oo Heshiis Horudhac kala Saxiixday.



Sun 03 December 2017.

Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in heshiis horudhac ah ay kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Wal-jameeca.

Labada dhinac ayaa wada hadal uga socday muddo 8 cisho ah dalka Jabuuti, waxaana wada hadaladan garwadeen ka ahaa Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Maamulka Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiiskan.

Waxaa saxiixa heshiiskan goobjoog ka ahaa Xubno ka socday Ahlusuna, Galmudug, dowladda Federaalka iyo IGAD.

Ahlusuna iyo Galmudug ayaa isu soo dhowaansho ka muujiyay khilaafaad horay u ragaadiyay labada dhinac, waxaana haatan isku raaceen inay ku midoobaan maamul mid ah.

Heshiiska rasmiga ah oo lagu soo bandhigayo qodobada heshiiska ayaa lagu wadaa in lagu saxiio magaalada Muqdisho.



Views : 27



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.