Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Axmed Madoobe Oo soo Gaadhay Muqdisho kana Waramay U Jeedada Safarkiisa.(Sawiro)



Sat 02 December 2017.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiiro iyo xubno ka tirsan labada Gole.

Ujeedada safarka Madaxweynaha Jubbaland ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inuu yahay ka qeyb galka shirka Golaha Amniga Qaranka oo 4-ta bishan ka dhici doona Xarunta Xalane ee Taliska AMISOM.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay ka soo baxaan go’aamo horay usii dhaqaajiya rajada laga qabo in Soomaaliya ay amaankeeda hanato, isla markana la isku duba rido Ciidamada Qaranka.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb geli doona Madaxda dowladda Federaalka, Madaxda maamul goboleedyada, Taliyeyaasha Ciidamada, Safiirada Beesha Caalamka iyo saraakiil kale.

Waxaa shirka diiradda lagu saari doona arrimaha ammaanka dalka, wixii ka qabsoomay shirkii London iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadli doonaa qorshaha ka bixitaanka Ciidamada AMISOM iyo sidii ciidamada Soomaaliya ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.