Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Guuray Qasriga Madaxtooyada Una Guuray Gurigiiska Gaarka Ah



Sat 02 December 2017.

Madaxweynaha talada dhawaan wereejinaya Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka guuray qasrigii madaxtooyada, waxaanu u guuray hoygiisii uu hore u degenaan jiray.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ay madaxtooyadu ka soo saartay guuritaanka Madaxweynaha, haddana warar Xogogaal oo ay Awdallmedia.com s helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweynuhu madaxtooyada ka guuray  Salaasadii toddobaadkan, ka dib markii uu kulankii ugu dambeeyay toddobaadkan golihiisa wasiirada kula yeeshay madaxtooyada.

Lama oga in madaxweyne Siilaanyo subixii ka soo shaqo tago gurigiisa oo uu yimaado xafiiskiisa madaxtooyada maadaama oo aanu weli xilkii si rasmi ah u wareejin iyo inuu hawlaha ka wado gurigiisa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa wefti ka socday dalka Djibouti wuxuu khamiistii ku qaabilay gurigiisa uu hadda degenyahay.

 

 



Views : 29



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.