Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Wasiir Bale Oo Markii U Horaysay Ururada Bulshada U Qabtay Dood ku Saabsan Miisaaniyadda Dowladda Ee Sanadka 2018.



Sat 02 December 2017.

Kulan dood dadweyne oo looga hadlayo Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018 ayaa xilligan ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo doodan si toos looga daawanayo Telefishinka Qaranka ee SNTV

Kulankan ayaa u dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Guddiga Maaliyadda ee Golsha shacabka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana lagu soo bandhigayaa arrimaha la xiriira miisaaniyadda sanadka 2018.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa faah faahin ka bixiyay miisaaniyadda sanadka 2018 iyo hababka lagu saleeyay iyo meelaha loo qondeeyay miisaaniyada.

Dadweynaha ka qeyb galaya dooda ayaa fursad loo siin doonaa inay ku ogaadaan canshuurta dadweynaha iyo meelaha ay dowladdu u qoondeysay, waxaana hadafka ugu weyn uu yahay sidii ay aragtidooda ugu gudbin lahaayeen miisaaniyadda ka hor inta aanu Baarlamaanka ansixin.

Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa gaaraysa lacag dhan,  labo boqol todobaatan iyo afar Millyen oo Dollar,lix boqol iyo 30 kun,boqol sagaashan iyo 1(US$ 274,630,191) oo loogu talagalay in lagu qabto guud ahaan howlaha dalka.



Views : 57



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines