Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

La Taliyihii Trump Oo Maxkamada ka Hor Qirtay Inuu Ogaa Farogalinta Ruushku ku Sameyay Dorashadii ka Dhacday Maraykanka.



Fri 01 December 2017.

Michael Flynn oo ahaa la taliyihii arrimaha ammaanka ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qirtay in uu been u sheegay hay'adda sirdoonka Maraykanka ee FBI.

Flynn ayaa lagu qasbay in uu shaqada isaga tago kadib markii uu marin habaabiyay Aqalka Cad, taas oo ku saabsanayd kulamo uu la yeeshay saraakiil ka socota dalka Ruushka.

Dacwadaha hadda loo heysto ayaa waxaa ka keenay ergeyga gaarka ah ee baaritaanka farogalinta Ruushka ee doorashooyinkii dhacay 2016-kii Robert Mueller.

Subaxnimadii jimcaha ayuu maxkamad kasoo hormuuqday Flynn, wuxuu sheegay in hadalo been abuur ah uu u sheegay FBI-da.

Labo sargaal oo sarsare oo ka tirsan kooxda Trump ayaa sidoo kale lagu heystaa arrimo ku saabsan xiriirada qarsoodida ah ee Ruushka lala yeeshay.

Qirashadan iyo dacwadda ku socota Flynn ayaa ah culees weyn oo kusoo kordhay madaxweyne Trump oo la sheegay in uu xitaa ku cadaadiyay agaasimihii hore ee FBI-da James Comey in uu dib uga joogsado baaritaankii uu ku hayay Flynn, kadibna markii dambe shaqada ka eryay Comey.

Qirashada ayaa sidoo kale cadeyn u ah in Flynn uu wadashaqayn la leeyahay xafiiska ergeyga gaarka ah ee baaritaanka fadeexadda Ruushka, lagana yaabo in xogo dheeraad ah bixin karo, kuwaas oo dhibaato ku ah Trump.

Baaritaanka Mauler ayaa la sheegay in uu dhiganayo shabaag waaweyn, kalluunkii ugu horeeyayna uu hadda kusoo dhacay.



Views : 31



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines