Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Xildhibaan Fiqi Oo si Kulul Uga Hadlay War kasoo Baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Ee AFRICOM.



Fri 01 December 2017.

Axmed Maclin Fiqi, oo ah Xildhibaan katirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay warka kasoo baxay Mareykanka ee lagu sheegay in cadow ay ku dileen howlgalka.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa shaaciyay in dadkii ay ku dileen howlgalkii ay ka fuliyeen 25-kii bishii August ee bariile ay ahaayeen cadow hubaysan.

AFRICOM war qoraal ah oo ay soo saartay ayaa lagu sheegay in baaritaan kadib ay ogaadeen in wax shacab ah aysan ku dhiman weerarkii ka dhacay beerta ku taalla nawaaxiga Bariire.< Warkan ayaa lidi ku ah mid kasoo baxay dowladda Federaalka isla bishii August oo ay ku sheegtay in 10 ruux oo shacab ah lagu dilay howlgalka ciidamada Mareykanka iyo kuweeda ka fuliyeen Bariire.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines