Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Guddi Baarayaal ah Oo Shaaciyay in Dhimashada Qaraxii Zoobe Gaaday 512 Qof.



Fri 01 December 2017.

Guddiga Gurmadka Qaran ee dowladda Soomaaliya ay u xilsaartay wax u qabashada dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii Zoobe ka dhacay 14bishii October ee sanadkan ayaa sheegay in dhimashadu gaartay 512 ruux.

Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ka tirsan guddiga ayaa sheegay in tirada dhimashada Qaraxii Zoobe oo ay ogaadeen in gaarayaan 512 ruux, isaga oo intaa ku darray in ay jiraan dad wali la la'yahay oo Eheladooda baadigoob ku hayaan.

Qaraxan oo ahaa kii ugu xumaa ee taariikhda soo mara dalka Soomaaliya ayeey horay dowladda Soomaaliya u shaacisay in ay ku dhinteen 358 ruux, laakiin waxaa hadda muuqata in tirada ay sii korartay.

Dadka ay Eheladooda ku dhinteen Qaraxa ayaa helay gurmad kala duwan oo heer Waddani iyo mid Caalami intaba isugu jiray.



Views : 22



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines