Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Ruushka Oo Diiday Dalabkii Maraykanka Ee Ahaa In Xidhiidhka loo Jaro Kuuriyada Waqooyi.



Fri 01 December 2017.

Dowlada Ruushka ayaa diiday codsi uga yimid Maraykanka ah oo in ay xiriirka u jarto dowlada Kuuriyada Waqooyi.

Maraykanka oo walaac weyn ka muujinaya tijaabada gantaalkii ugu danbeeyey oo uu dalka Kuuriyada Waqooyi tijaabiyey todobaadkan, ayaa ka codsaday dalalka weli xariirka laleh K/Waqooyi inay xiriirka u jaraan.

Dalalka Ruushka iyo China oo ah labada awoodood ee ugu weyn ee xiriirka laleh Kuuriyada Waqooyi ayaa laga codsaday inay cadaadis saaraan hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Gantaalkii ugu danbeeyey ee la tijaabiyey ayaa la sheegay inuu yahay mid qaaradaha isaga goosha oo gaari kara dhamaan gobalada uu ka kooban yahay dalka Maraykanka, wuxuuna ahaa gantaalkii ugu sareeyey oo uu illaa iyo hada dalkaasi Sameysto.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Sergie Lavrov ayaa sheegay inuusan weli fahmin waxa Maraykanka uu ka damacsan yahay cadaadiska uu doodanayo inuu saaro Kuuriyada Waqooyi.

“Maraykanka ma wuxuu rabaa in Kuuriyada Waqooyi ay carada ka badato oo ay ku kacaan tilaabo halis ah, ma fahmin waxa Maraykanka uu ka damacsan yahay xiisadan uu sii kicinayo….” ayuu yiri Sergie Lavrov oo Khamiistii shalay la hadlayey warbaahinta.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines