Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Aqalka Cad Ee Mareykanka Oo Beeniyay in Trump Qorshaynayo Xilka Qaadista Xoghayaha Arrimaha Dibadda.



Fri 01 December 2017.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa beeniyay warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in xoghayaha arrimaha dibadda Rex Tillerson, la qorshaynayo in xilka laga qaado .

Hadalka ka soo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in Rex Tillerson, uu sii hogaamin doono waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in guud ahaan golaha wasiirada ay diirada saari doonaan in ay dhamaystiri howsha wanaagsan ee sanadkii kowaad ee maamulka madaxwayne Trump.

Afhayeen u hadshay wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ,Heather Nauert, ayaa sheegtay in madaxwayne Trump uu ku faraxsan yahay shaqada Mr Tillerson islamarkana uu xilka sii hayn doono.

Madaxwayne Trump ayaa horey xoghayahiisa arrimaha dibadda ugu dhaliilay in uu waqtigiisa ku luminayo wadaxaajood lala galo Kuuriyada Waqooyi .

Saraakiil ka tirsan maamulka madaxwayne Trump ayay saxaafada ka soo xigatay in agaasimaha CIA laga yaabo in uu badalo mr Mr Tillerson.



Views : 23



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.