Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Gudomiye ku xigeenka Barlamaanka Somaliya Oo Nairobi kula Kulmay Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamanka Kenya.(Sawiro)



Fri 01 December 2017.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay hoggaamiyaha aqlabiyada Baarlmaanka Kenya, Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, iyaddoo Guddoomiye Mahad Cawad ay wehliyeen Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal iyo Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulanka oo muddo saacado ah socday, ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Goleyaasha Shacabka ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la isla gartay in wufuud labada Baarlamaan ka kala socda ay booqasho shaqo ku kala tagaan magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, taasi oo xiriirka, iskaashiga iyo wada shaqeynta sii xoojineysa.

Intii kulanka uu socday Guddoomiye ku xiggeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxa uu u gudbiyey Baarlamaanka Kenya marti qaad uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo isagu ku marti qaaday Guddoonka Baarlamaanka Kenya iney Muqdisho yimaadaan.

Waxyaabaha kale ee muhiimka ah ee la isku af gartay waxaa ka mid ah in tababarro aqoontooda sare loogu qaadayo loo fidiyo guddiyada Golaha Shacabka Soomaaliya,maamulka iyo howlwadeennada Golaha Shacabka, ayaddoo tababaradaasi ay bar bar socon doonaan qibrad is weeydaarsi labada Baarlamaan dhex mara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tegi doona Magaaladda Nairobi dhowaan, halkaasi oo ay heshiis wada shaqeyn kula saxiixan doonaan guddoonka Baarlamaanka Kenya.



Views : 24



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.