Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Rag soo Xidhay Xijaabka Dumarka Oo Weeraray Kuleej ku Yaalla Pakistan.



Fri 01 December 2017.

Illaa saddex nin oo dumarka isu soo ekeeysiiyay ayaa galay mac-had lagu barto beeraha oo ku yaala Pakistan, halkaas oo ay ku dileen 9 qof, 36 kalane ku dhaawaceen.

Kuleejka ayaa lagu magacaabaa Kuleejka Beeraha ee Peshawar, waxayna ciidanka sheegeen in ay dileen dhammaan raggii weerarka geystay.

Sideed ka mid ah dadka la dilay waa ardaydii iskuulkan dhiganayay, halka qofka kalena uu yahay qof xafiiska maamulka ka shaqeeya. Weerarka ayaa waxaa sheegtay Talibaanka Pakistan.

"Waan hurdaynay markii aan maqalnay dhawaaqa risaasta, waan toosay, qof kastana waa uu cararay " ayuu yiri mid ka mid ah ardayda oo u waramay wargeyska Dawn ee Pakistan kasoo baxa.

Arday kale oo weerarka ku dhaawacmay oo lagu magacaabo Ahteshan Ul Xaq ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in kuleejka ay ku sugnaayeen 120 arday oo ka mid 400 arday eek u hoyata, islamarkaasna dhigata.

Kuleejka ayaa waxa uu ku jirey fasax ciidda moowliidka nabiga awgiis.

Peshawar waxa ay ku taalaa xuduudda Afghanistan ay Pakistan la wadaagto, waxayna bartilmaameed u tahay weerarada noocaan oo kale ah.

Sanadkii 2014-kii weerar lagu qaaday iskuul ay ciidammada maamulaan ayaa waxaa lagu dilay dad gaaraya 141 qof.



Views : 22



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.