Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Wararkii Ugu Dambeeyay Wada Hadalada Ahlusuna iyo Galmudug Uga Socda Jabuuti.



Fri 01 December 2017.

Wada hadalada u dhaxeeya Ahlusuna iyo Galmudug ee ka socda Jabuuti ayaa heer gabogabo ah maraya, iyadoo inta badan la isla meel dhigay qodobada labada dhinac ka wada hadleen.

Shirka oo galay todobaad ayaa ugu horeyn ku bilowday siminaar looga hadlayay xalinta khilaafaadka oo ay soo qaban qaabisay Urur Goboleedka IGAD, iyadoo siminaarka kaddib la guda galay wada hadaladii tooska ahaa ee labada maamul ee Galmudug iyo Ahlusuna.

Mas’uuliyiinta labda dhinac ayaa muujiyay isu soo dhowaansho, waxaana wada hadaladii u dambeeyay ee ay yeesheen uu ahaa mid aan loo dhaxeyn oo ay keligood ka wada arrinsadeen xaaladaha jira

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in heshiiska labada dhinac gaareen ay ku saxiixi doonaan magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa la sheegayaa inay isku afgarteen qodobo ka mid ah awood qeybsiga, balse ay jiraan qodobo aan wali la isku afgaran oo xalintooda ay noqotay in Muqdisho lagu dhameeyo, lalana wadaago Madaxda dowladda Federaalka.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines