Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Al-shabaab Oo Jidka U Galay Ciidamo Uu la Socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.



Fri 01 December 2017.

Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar dhabo–gal ah ku qaaday ciidamo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeynte Cismaan oo ku sii jeeday degmada Maxaas.

Iska horimaad culus ayaa labada dhinac waxaa uu ku dhaxmaray deegaan u dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas, waxaana dagaalka labada dhinac ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Guddoomiyaha ayaa ka soo amba baxay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa uu ku sii jeeday degmada Maxaas, halkaasi oo howlo shaqo uu ugu socday, sida ay inoo sheegeen ila wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada Gobolka Hiiraan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka mid ah wafdiga la soday gadiidka la weeraray ayaa warbaahinta u sheegay in Al shabaab looga dilay iska horimaadka Afar ka mid ah kooxihi soo weeraray 11 kalana looga dhaawacay islamarkaana dhinacooda uu ka dhintay hal Askari oo ka tirsana ciidamada dowlada.

War Al-shabaaba ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkaasi ay ku dileen ilaa saddex Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka.



Views : 21



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.