Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Wasarada Maaliyada Oo Bilowday Diiwaangelinta Hab Cusub Oo ay Ciidamada Mushaarka Lagu Siinayo.(Sawiro)



Thu 30 November 2017.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan ducaale Beyle ayaa maanta daah furay diiwaangalinta ciidamada xoogga dalka oo markii ugu horeysay Askari walba mushaarkiisa uu ku qaadan doono Account u gaarka ah.

Arintan oo uu hormuud ka yahay Wasiir Beyleh ayaa ujeedkeedu waxaa ay tahay in laga maarmok habkii hore ee kaashka gacanta laga siin jiray ciidamada.

Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale ayaa tilmaamay haddii tilaabadan si rasmi ah loogu guuleysto in ay noqondoonto mid waxbadan ka badasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mishaar joogta ah.

Diiwaangalinta Ciidamada Xoogga Dalka ee Xisaabta shaqsiyadeed waxaa si gaar ah maanta loogu bilaabay Ciidamada Milatariga Guutada Madaxtooyada.

Ciidamada xoogga dalka ayaan mushaarkooda si toos ah u helin waxayna ciidamada helaan dhowrkii bilood mar hase yeeshee lama oga sida ay suurtogal u noqon doonta in askar ku jira furimaha ama meelaha ka fogfog magaalooyinka ay ugu qaadan karaan mushaarkooda akaawn bangi.



Views : 42



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.