Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Wasiir Beyle Oo Shaaciyay in DFS Aysan Wax Dhaqaalo ah Siinin Qaar ka Mid ah Maamul Goboleedyada.



Thu 30 November 2017.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay maamul goboleedyada ay Dowlada Federaalka ah aysan dhaqaale siin iyo kuwa ay siiso.

Dr C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah aysan dhaqaale siinin dowlad Goboleedyada leh dekadaha ee uu dakhliga gudaha u soo xaroodo.

Wasiirka oo wareysi siiyay TV-g Somali Caple ayaa sheegay in dowladda dhexe ay kaliya lacag miisaaniyadeed siiso dowlad Goboleedyada aan lahayn dekadaha.

Waxaa uu intaas ku daray in Dowlad Goboleedyada ay kala dhaqaale badanyihiin islamarkaana kuwa dekadaha leh ay helaan dhaqaale ka badan kuwa kale ee aanay dekadahooda shaqeyneyn.

Dhinaca kale Wasiir Beyle ayaa sheegay in Xerada Xalane Sharikado Ganacsi oo ka howlgala ay canshuur ku rogtay dowladda Soomaaliya loona baahanyahay in ay bixiyaan.

40 Sharidadood oo ay leeyihiin dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayuu sheegay in ay shaqeeyaan Xerada Xalane,kuwaas oo hadda diiwaankooda la buuxiyay canshuurna laga doonayo.

Wasiirku waxaa uu raaciyay in haddii Canshuurta laga waayo dadka AJaanibta ah ay la tiigsanayaan xeerarka u yaalla Dalka.



Views : 28



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines