Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Al-Shabaab Oo la Wareegay Deegaan ku Dhow Degmada Guriceel.



Thu 30 November 2017.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaq ka waday deegaano aysan hore u joogin waxaana wararkii ugu dambeeyay ee deegaanada ay gaareen ka mid ah deegaanka Dhagaxyaale oo galbeedka ka xiga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen deegaanka Dhagaxyaale oo Galbeed ka jira degmada Guriceel, balse markii dambe ay isaga baxeen.

Ciidamo taabacsan ururka Ahlu Sunna ayaa la sheegay inay halkaa ku baxeen waxayna isku horfadhiyaan deegaanka Warodhuumo leh iyadoo laga cabsi qabo in halkaa uu iskahorimaad ka dhaco.

Ururka Al-Shabaab ayaa  waxa ay bilaabeen inay baneeyaan deegaano ay hore ugu sugnaayeen ayna galaan deegaano cusub oo aysan hore u joogin,kadib markii ay kordheen weerarada gantaalada ah ee lala beegsanayo deegaanada ay joogeen.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.